Duulimaadkii ugu horeeyey oo toos isugu xiraya Norway iyo Shiinaha oo bilaabanaya

 Diyaaradda nuuceedu yahay Airbus A330-300 ayaa isaga gooshi doonta Norway iyo Shiinaha todobaadkii saddex jeer. sawirku wuxuu muujinayaa diyaarad ay leedahay Hainan oo fadhida garoonka Beijing.   

 Diyaaradda nuuceedu yahay Airbus A330-300 ayaa isaga gooshi doonta Norway iyo Shiinaha todobaadkii saddex jeer. sawirku wuxuu muujinayaa diyaarad ay leedahay Hainan oo fadhida garoonka Beijing.    Foto: Foto: Greg Baker (AFP)

Shirkadda shiinayska ah ee Hainan Airlines ayaa saddex jeer todobaadkii isaga gooshi doonta Oslo iyo Beijing. Arbacadan oo duulimaadkii koowaad ee ganacsi ah ka baxayo garoonka Oslo.

Riix halkan Norsk

Isha warka: NTB

Duulimaadka ugu horeeya ayaa loo sii qorsheeyey xaflad ay ka qaybgalayaan wasiirka ganacsiga Torbjørn Røe Isaksen (H), Hainan Airlines Avinor iyo weliba Visit Oslo.

Duulimaadka ka baxaya Oslo ayaa qaadanaya 9 saacadood iyo 35 daqiiqo, halka soo noqoshada uu qaadanaayo 10 saacadood. Khadkan diyaaradeed ayaa waxaa la saari doonaa diyaaradda nuuceedu yahay Airbus A330-300 oo qaada qiyaastii 300 oo rakaab ah sida laga soo xigtay Dinside.

–Tani waxay muhiim u tahay dhaqaalaha Norway. Waxaa imaanaya Norway dalxiisayaal badan, waxaana adduunka u diraynaa kalluunkeena ayuu yiri Agaasimaha garoonka diyaaradaha Oslo Øyvind Hasaas oo u waramayey NTB kadib markii la saxiixay heshiiska duulimaadkaan oktoobar sannadkii hore.

Hadda wixii ka horeeyey dadka doonaya inay u dhoofaan Shiinaha waxay ahayd inay u safraan dal kale oo Yurub ah si ay uga sii baxaan sida Kopenhegen iyo Stockholm.

Hainan Airlines waa mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu waaweyn dalka Shiinaha, waxayna leedahay ka badan 600 diyaaradood. Waxay sidoo kale leedahay hoteelo dalxiis oo waaweyn oo ku yaalla gobolka jasiiradda ah ee Hainan.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.