Extra oo dukaankii ugu horeeyey oo aan shaqaale lahayn ka furay Oslo

- Waa inaan qiraa inaan qudhaydu u muuqday mid shakisan, ayuu yiri Madaxa Extra.

14.06.19 17:20

Riix halkan Norsk

Halvor Ripegutu

BOGSTADVEIEN (Nettavisen Økonomi): dukaankii ugu horeeyey ee macaamiishu iska iibinayaan ayaa hadda laga hirgelinayaa xaafad ka mid ah magaalada Oslo ee caasimadda ah.

-Hadda waxaan furaha siinaynaa macaamiisheena. Markii ugu horeysay ee aan maqlo mashruuca aad ayaan uga shakisanaa, waxaanan u haystay inaysan socon karin laakiin Extra wax walba waa suurto gal, ayuu yiri Christian Hoel, Madaxa dukaamada Extra, oo la hadlayey Nettavisen Økonomi.

Dukaanka Extra ee isgadaya oo khamiista la furay ayaa noqonaya dukaankii ugu horeeyey ee nuuciisa ah oo laga hirgaliyo dalkan Norway. Dukaankaan oo 24 saac furnaan doona wuxuu ku yaallaa wadada Bogstadveien ee Oslo.

Dukaankan inta laga gaarayo 23.00 saac (shan saac habeenimo) waa dukaan iska caaadi ah oo shaqaale gadayaan laakiin marka shaqaaluhu ka rawaxaan ayuu isku bedelayaa mid ay teknolojiyadi maamuusho inta ka hartay habeenka. Macaamiisha ayaa waxaa suurto gal u ah inay iska soo furaan dukaanka iyagoo adeegsanaya telefoonkooda kadibna ka adeegtaan.

Qaybta Norskaha ka daawo filim aad ka baran karto sida looga adeegto dukaanka is gadaya.

Habka iska furida dukaanka ayaa ka dhex dhacaya app-ka Coop Key oo ah mid la horumariyey oo uu qofku ka dhex isticmaali karo aalada BankID.

- Bilowgii hore ee mashruuca waan ka shakisanaa inay farsamo ahaan suurto gal tahay laakiin hadda waan ku qalbi qaboobahay. Waan haysanaa teknolojiyadii marka haddii ay shaqayso waxaan ka fekeraynaa inaan dukaamo kale oo nuucaan ah furno, ayuu yiri Hoel.

Dukaankaan ma shaqayn doono axadaha sababo la xiriira inaysan sharci ahayn.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.