Madaxweynaha cusub Ukrain oo dalbaday ra'yi ururin shacab wixii laga yeeli lahaa Ruushka

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyj oo xubno xildhibaano ah kula shirayey Kiev goor sii horeysay.  Foto: Ukrainas presidentkontor via AP / NTB scanpix Foto: (NTB scanpix)

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyj oo xubno xildhibaano ah kula shirayey Kiev goor sii horeysay.  Foto: Ukrainas presidentkontor via AP / NTB scanpix Foto: (NTB scanpix) Foto: (NTB scanpix)

Madaxweynaha cusub ee Ukrain Volodymyr Zelenskyj ayaa waydiiyey bulshada qaabkii loola hadli lahaa Ruushka si loo soo afjaro dagaalka bariga dalkaas.

24.05.19 00:47

Riix halkan Norsk

Isha warka: NTB

Khamiistaan ayuu ku dhawaaqay madaxweyne Volodymyr Zelenskyj in la dhaqaajiyo ra’yi ururin ku aadan in qofkasta oo Yukrayn u dhashay uu ku sheegayo ra’yigiisa ku aadan sida heshiis nabadeed loola gaari karo Ruushka.

– Waa inaan dhagaysanaa qofkasta ayuu yiri madaxweyne Zelenskyj oo kulan la yeeshay mutawaciin milateriga ku biiray, sida lagu faafiyey war kasoo baxay xafiiskiisa.

Ciidamada Ukrain ayaa sanadihii ugu dambeeyey dagaal kula jiray kooxo gooni u goosad ah oo taageersan Ruushka. Dagaaladaas ayaa dilaacay markii madaxweynihii Ruushka taageersanaa ee Ukrain Viktor Janukovitsj lagu qasbay inuu iscasilo.

Sida ay ku warantay warbixin qaramada midoobay soo saartay qiyaastii 13.000 qof ayaa ku geeriyooday dagaaladaas.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.