Manchester United oo imaanaysa Norway (yey la ciyaari doontaa)

Ole Gunnar Solskjær iyo Manchester United oo Ullevål Stadion  kula ciyaari doona Kristiansund  bisha Luulyo. Foto: Rui Vieira (AP)

Ole Gunnar Solskjær iyo Manchester United oo Ullevål Stadion  kula ciyaari doona Kristiansund  bisha Luulyo. Foto: Rui Vieira (AP) Foto: (NTB Scanpix)

Ole Gunnar Solskjær iyo Manchester United oo imaanaya Oslo kulan ciyaareed ay la yeelan doonaan Kristiansund.

Riix halkanNorsk

Diyaariye: Martin Busk

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa ku xaqiijisay mareegaheeda internetka in ay kooxdu kula ciyaari doonto garoonka kubadda cagta ee Ullevål Stadion kooxda dalkaan Norway ka dhisan ee Kristiansund, ciyaartaasoo dhici doonta 30-ka Luulyo.

Maalin kadib ciyaartaan 31-ka Luulyo ayey iyaguna kooxda gabdhaha United ee dhawaan la dhisay waxay ciyaar la yeelan doonaan xulka gabdhaha ee Vålerenga taasoo ka dhacaysa Intility Arena, sida ay kooxdu shaacisay.

Ole Gunnar Solskjær ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo koox ka socota magaaladiisa uu isagu kasoo jeedo.

- Si aad ah ayaan ugu faraxsanahay inaan la ciyaari doono kooxda Kristiansund BK. Waxay ka yimaadeen magaaladayda aan ka imid ee Norway, taasoo dheeraad ii ah aniga. Taageerayaal badan ayaan ku leenahay Skandinavian-ka, waxaana rajaynayaa inaan la kulmi doono taageerayaasheena sharafta leh ayuu yiri Solskjær.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.