McDonalds oo jabiyey xeerarka markii uu xayeysiiyey  cunto lid ku ah carruurta

 McDonalds xayeysiiyey suuqgayn sharci daro ah oo ka dhan ah carruurta  uuna marsiiyey ciyaarta "Happy Studio". 

 McDonalds xayeysiiyey suuqgayn sharci daro ah oo ka dhan ah carruurta  uuna marsiiyey ciyaarta "Happy Studio".  Foto: Foto: Ntb Scanpix

McDonalds ayaa lagu eedeyey inuu sharciga jabiyey markii uu xayeysiiyey cunto iyo cabitaan aan caafimaadka caruurta u fiicnayn marsiiyey ciyaar. Forbrukerrådet oo ku hawlan sidii xeer adag looga soo saari lahaa arrintaas.

Riix halkan Norsk

Diyaariye: Stein Nervik

TRONDHEIM (Nettavisen Økonomi): iyadoo bishii Maarso ay golaha macaamiisha Forbrukerrådet cabasho ka gudbiyeen McDonald’s oo ay kaga cabanayeen inay xayeysiis xambaarsan cunto iyo cabitaan aan caafimaadka u fiicnayn oo la dhex marayey game-ka "Happy Studio ayey qolada MFU soo sheegeen in McDonald’s ay jabiyeen sharciga markii ay xayeysiiyeen cunto caafimaadka u xun.

- Waan ku qanacsanahay in McDonald’s ay tireen gamekaas. Sidoo kale wuxuu kiiskani muujinayaa in hay’addo waaweyn oo ka ganacsada cuntadu dhayalsadaan mas’uuliyadda saaran marka ay samaynayaan suuqgaynta iyo xayeysiisyada quseeya carruurta yaryar ee illaa lix sano jirka ah ayey tiri Inger Lise Blyverket oo ka tirsan forbrukerrådet oo ah golaha macaamiisha.

Waxay sheegtay inay hadda rabaan in xeerar adag lagu soo rogo qaybtaan cuntada, waxaana jiray in dhacdo midaan la mid ah ay dhacday dhawaan markii shirkadda Coca Cola ay suuq gaysay alaab lid ku ah caafimaadka carruurta iyo dhalinyarada taasoo ay marsiisay Youtube-ka.

McDonalds oo ka shaqaysa meelo badan oo caalamka ka tirsan ayaa jawaab ka bixisay eeda loo soo jeediyey.

- Waan ka xunahay waxa dhacay, waxaana meesha ka saarnay ciyaartii isla markii aan ogaanay in la sameeyey qaybta noorweejiga ayuu yiri madaxa qaybta xiriirka ee Mc Donalds' Kristina Johansen.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.