*Nettavisen.*

Muuqaal cusub ee ra’iisulwasaare Merkel oo gariiraysa oo yurub aad looga hadal hayo

Ruxan ku dhacay Angela Merkel oo abuuray walwal.  Foto: AP / NTB scanpix

Muuqaalka cusub ee ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa markii labaad la arkay iyadoo aad gariiraysa.

Riix halkan Norsk

Waxaa diyaariyey Morten Ø. Karlsen

Isha warka: NTB

Video-gan cusub oo khamiistaan ay baahisay wakaalada wararka Reuters ayaa lagu duubay magaalada Berlin xilli uu socday shir jaraa’id oo ay wada qabteen ra'iisul wasaare Merkal iyo madaxweynaha dalkaas Frank-Walter Steinmeier.

Sida ka muuqata muuqaalkan waxaa la arkayaa Merkel oo ruxmaysa dhammaan jirkeeduna uu gariirayo.

Arrintan ayaa timid sagaal maalmood kadib markii iyadoo sidaan oo kale shir la yeelanaysay madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskiy uu haleelay gariirkaan.

Ka fiirso video-ga qaybta warkan ee luuqada noorweejiga.

Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay xannuunkan maanta ayaa sheegay in Merkel ay fiican tahay haatan.

- Wax walba sidii loogu talo galay ayey ku socdaan. Consularku way fiican tahay ayuu yiri afhayeenkaan oo lagu magacaabo Steffen Seibert ayna soo xigatay BBC.

Video-gan ayaa aad ugu baahay warbaahinta caalamka noqdayna qodob si heer sare ah loo hadal hayey.

Sida ay tabisay NTB arrintan ayaa ku timid ra’iisul wasaaraha xilli ay ku sugnayd hoyga madaxweyne Frank-Walter Steinmeier intii lagu guda jiray magacaabidda wasiirka cadaaladda oo laga dhigay Christine Lambrecht.

Ra’iisul wasaare Merkel oo 64 sano jir ah ayaa is xejisay laakiin awoodi kari waysay inay hanato gariirka jirkeeda si la mid ah markii ay la kulmaysay madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyj 18. juun.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.