Ninkii naqshadeeyey Iphone, Ipad iyo Ipod oo ka tegay shirkadda Apple

Agaasinka naqshadaynta Jony Ive  iyo madaxa shirkadda Apple Tim Cook. 

Agaasinka naqshadaynta Jony Ive  iyo madaxa shirkadda Apple Tim Cook.  Foto: Foto: Justin Sullivan ((AFP))

Agaasime xagga naqshadaynta ah Sir Jony Ive (52) ayey ka tegistiisu Apple lama filaan ku noqotay 27 sano kadib. Waa ninka naqshadeeyey wax soo saarka ugu caansan shiradda.

Riix halkan Norsk

Isha warka: NTB

Waxaa diyaariyey: Halvor Ripegutu

Sir Jony Ive oo ahaa lafdhabarka wax soo saarka iyo naqshadaynta shirkadda Apple muddo 27 sano ah oo uu ka shaqaynayey ayaa ahaa nin soo nooleeyahay shirkadda sumcadeeda sannadihii 1990-yadii oo ay shirkaddu la daalaadhacaysay hoos u dhac.

Ka tegistaan ayaa fajiciso ku noqotay qaybo badan oo uu ku jiro wargeyska caanka ah ee ka faalooda arrimaha dhaqaalaha ee Financial Times.

Alaabada ay soo saarto Apple ayaa lahaa muuqaal gooni oo ka wanaagan kuwa soo saaraan shirkadaha tartanka kula jira, waxaana sababta lagu sheegay hibada uu leeyahay Ives.

Fariinta ku saabsan ka tegista Apple ee ninkan u dhashay Ingiriiska ee Ive ayaa dhalisay lama filaan iyadoo suuqyada saamiyadda shirkadda uu hoos u dhac ku yimid.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.