Norway: Lix dhalinyaro ah oo shil baabuur galay iyo qaar geeriyooday

Lix qof oo da'da 17-21 sano ah oo shil ku glaay  Tertneskrysset ee Åsane midood oo geeriyooday.

Lix qof oo da'da 17-21 sano ah oo shil ku glaay  Tertneskrysset ee Åsane midood oo geeriyooday. Foto: SKJALG EKELAND

Lix dhalinyaro oo da’doodu u dhaxayso 17-21 sano oo shil ku glaay Tertneskrysset ee Åsane.

Riixhalkan Norsk

Diyaarintii: Mads Trellevik,

Skjalg Ekeland/Bergensavisen,

Birgitte Vaksdal,

Bergensavisen Iyo

Morten Ø. Karlsen

Isha warka: NTB

– Baaristu waxay sheegaysaa illaa iyo hadda in lix dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17–21 sano ay ku lug yeesheen shilka baabuur ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay booliiska.

Waxay ahayeen shan rag ah iyo qof dumar ah, waxay wateen gaari yar kuligoodna waxay deganaayeen magaalada Bergen sida ay tabisay wakaaladda wararka NTB.

Sida uu qoray wargeyska Bergensavisen mid ka mid ah dhalinyaradaas ayaa geeriyooday halka shantii kalena ay isugu jiraan wax la dawaynayo oo dhawaac qaba iyo kuwa xaalkooda kor joogtayn lagu hayo.

Dhanka kale booliisku waxay sheegeen in gaariga ay wateen dhalintu uu ku socday xawaare sareeya iyadoo la xusay in dhowr jeer la diiwaangeliyey isagoo ku socda xawaare sare. Garyaqaanka booliiska galbeedka dalkan Thomas B. Arntsen ayaa sheegay in gaariga oo xawaare aad u sareeya ku socday iyo ugu yaraan qof ka mid ah dhalintaas oo aan xirnayn suunka kursiga baabuurka ay kordhisay xadka dhaawaca, mas’uulkani wuxuu u waramay NTB.

War la xiriira dhacdadaan oo booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay in falkan oo dhacay waqti dambe ee axadii booliiska lagu wargeliyey kadibna markii ay goobtii tageen ka heleen saddex ruux oo mid geeriyooday iyadoo labadii kalena isbitaal loo diray. Waxay sheegeen booliisku inay jireen saddex kale oo ka tagay goobta shilka kadib, kuwaasoo mar dambe oo isla habeenkaas ah la helay. Waxaa lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen sharciga waddooyinka.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.