Oslo: Abuukate lagu soo oogay kiis musuqmaasuq ah

Abuukaato kuwa Oslo ka mid ah oo lagu soo oogay musuq. Illustrasjonsfoto: Trond Reidar Teigen / NTB scanpix

Abuukaato kuwa Oslo ka mid ah oo lagu soo oogay musuq. Illustrasjonsfoto: Trond Reidar Teigen / NTB scanpix

Mid ka mid ah abuukatayaasha Oslo ayaa loo haystaa kiis musuqmaasuq la xiriira.

Riix halkan Norsk

Isha warka: NTB

Kiiskaan oo sida uu qoray VG ay muddo dheer baaritaan ku hayeen booliisku ayaa ugu dambaystii loo gudbiyey xeer ilaalinta waqtigii qaboobaha ee lasoo dhaafay, iyadoo haatan dib loo soo celiyey si baaritaano dheeri ah loo sameeyo.

– Waxaan qabnaa inuu helay ka faa’iidaysi aan sax ahayn oo uu ku qaatay awoodda inuu yahay abuukaate, ayuu yiri Vegar Ommedal oo ah garyaqaanka booliiska. Wuxuu intaas ku daray in kiiska dhawaan mar kale loo diri doono dacwad oogaha.

Sida laga soo xigtay VG abuukaataha ayaa loo haystaa dhowr kiis oo dambi la xiriira.

– Abuukaataha aan caawinayo wuxuu qabaa in booliisku ay qalad ka fahmeen sharciga iyo xaqiiqda kiiska hore labadaba, ayuu ku yiri fariin qoraaleed uu garyaqaanka difaacaya John Christian Elden u diray telefishinka TV 2.

Ciqaabta kiis iska caadi ah oo musuqmaasuq waa saddex sano oo xabsi ah halka haddii xeer ilaalintu u aragto in kiisku culus yahay ay ciqaabtu gaari karto toban sano oo xabsi ah.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.