PST oo war degdeg ah ka soo saartay gubistii gaariga wasiir Wara

Gabadha ay wada noolyihiin wasiirka cadaaladda Tor Mikkel Wara oo loo haysto inay been ka sheegtay falal iyo hanjabaado ka dhan ah wasiirka.  

Gabadha ay wada noolyihiin wasiirka cadaaladda Tor Mikkel Wara oo loo haysto inay been ka sheegtay falal iyo hanjabaado ka dhan ah wasiirka.   Foto: (NTB Scanpix/Facebook)

Wasiirka saaxiibtii (samboer) oo lagu soo oogay inay gubtay iyadu gaariga wasiirka.

14.03.19 20:28

Riix halkan Norsk

Waxaa diyaariyey: Heidi Schei Lilleås

Hay’adda PST ayaa qabatay maanta gelinkii dambe shir jaraa’id oo ay kaga hadleen baaristii kiis ku aadanaa falal lid ku ah waasiirka cadaaladda Norway Tor Mikkel Wara (Frp).

PST oo isniintii la kulantay warbaahinta ma aanay jirin cid ay tuhunsanaayeen inay ku lug lahaayeen kiiska wasiirka laakiin waxaa la yaab noqotay markii ay maanta sheegeen in kiiska ay ku eedaysan tahay gabadha ay wada nool yihiin (samboer) wasiirka ee lagu magacaabo Laila Anita Bertheussen.

Waxay sheegeen in ay ku eedaysan tahay inay hadalo wax kama jiraan ah ka sheegtay kiiska hanjabaada ka dhanka wasiir Wara iyo qaasatan gaarigii qoyska wasiirka ee axaddii tobanka bishaan la gubay.

– Waxaa la soo xiray khamiista loona sheegay tuhunka aan ka qabno ee loo soo xiray ayey tiri madaxa PST Benedicte Bjørnland.

- Waxaa lagu soo eedeeyey dhacdadii ugu dambaysay ee habeenkii axadda 10-ka maarso ayey tiri mar kale.

Madaxa PST waxay sheegtay inay dhici karto in arrintan lagu xiriiriyo dhacdooyin kale oo hore.

- Bertheussen su’aalo ayaa la waydiinayaa hadda, waxaana lagu soo oogay inay gubtay gaariga wasiirka cadaaladda ayey tiri Bjørnland.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.

Mer om emnet: somali

Mest lest på Oversatt

Annonsebilag