SSB: Tirada qoysaska qaata lacagta kontantstøtte oo aad hoos ugu dhacay

Wasiirka dhallaanka iyo arrimaha qoyska Kjell Ingolf Ropstad (KrF) ayaa ka mid ah dadka ugu cadcad ee difaaca lacagta kontantstøtte.   Foto: (NTB scanpix)

Wasiirka dhallaanka iyo arrimaha qoyska Kjell Ingolf Ropstad (KrF) ayaa ka mid ah dadka ugu cadcad ee difaaca lacagta kontantstøtte.   Foto: (NTB scanpix)

Dadka qaatay kontantstøtte-ha oo gaaray heerkii ugu yaraa tan iyo sannadkii 1998 oo la dhaqangeliyey lacagta. Waalidka soo galootiga ee qaata lacagtan oo aad u yaraaday.

13.06.19 22:01

Riixhalkan Norsk

Diyalariye: Jan Revfem

Wakaalada tirakoobka SSB oo u dhabo gashay isticmaalka lacagtan oo ujeedkeedu yahay in lagu caawiyo qoysaska haysta carruurta yar yar inay fursad u helaan daryeelka carruurtooda ayaa ogaatay in hoos u dhac weyn ku yimid tiradii qaadan jirtay.

Sannadihii hore kadib markii la ansixiyey lacagta kontantstøtte-ha waxaa qaadan jiray tobankii carruur ahba sideed ka mid ah. Caawinaadaan ayaa waxaa ka faa’iidi jiray carruurta sannad jirka iyo labo sanno jirka ah, walow mar dambe labo jirka laga joojiyey. SSB waxay qortay in wixii ka dambeeyey sannadkii 2011 ay yaraadeen carruurta helayey lacagtaan oo gaaray in tobankii cunug labo keliya ay helaan.

Sababta ay u yaraadeen qoysaska lacagtaan hela ayaa lagu sheegay in goobo badan oo xannaanada carruurta ah la dhisay iyo iyadoo tirada carruurta sannad jirka ee xannaanada taga ay kordheen gaareena in tobankii cunug sideed ka mid ah ay tagaan.

Sannadihii ugu dambeeyey ayey aad u yaraadeen tirada qoysaska lacagahaas qaata oo mudaba isi soo dhimayey, dadka soo galootiga ee lacagtan qadan jiray ayaa iska soo dhimay 45 boqolkiiba noqdayna 28 boqolkiiba sanadihii 2016 illaa 2018 sida ay sheegtay wakaaadu.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.