Sucuudiga oo mar kale weeraray diyaarado badan

Sucuudiga oo ka hortagay weerar lagu qaaday garoon diyaaradeed. Shan diyaaradood oo drone ah oo ay soo rideen.

Riix halkan Norsk

Isha warka NTB

Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee garab siiya dowladda Yeman ayaa sheegay in habeenkii xalay ee jimcaha ay ka hortageen burburiyeena shan diyaaradood oo drone ah oo lagu soo wareeray dalkaasi Sucuudiga.

Diyaaradahan shanta ee drone-ka ah ayaa la sheegay inay weerari rabeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha oo ku yaala koonfurta dalka iyo Khamis Mushait, ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Habeenkii arbacada weerar kan la mid ah oo lagu qaaday garoonkaan ayaa lagu dhaawacay 26 qofood oo shacab ah markii xuutiyiintu ay gantaal la heleen qaybta soo degista ee garoonka.

Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyey inay gantaal la heleen garoonka. Xuutiyiinta ayaa dhanka kale ayaamahan waday weeraro drone ah oo ay ku qaadayeen magaalooyin ku yaalla dalka Sucuudiga.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.