Venstre iyo Frp oo natiijo xukumo kala kulmay ra’yi ururin la sameeyey

Siv Jensen (Frp) iyo Trine Skei Grande (V)  xilli ay ku guda jireen dood xisbiyeed ee Arendalsuka galabtii isniinta . cod ururin cusub oo uu sameeyey NRK ayaa soo bandhigtay natiijo xun ee labada xisbi u soo baxday. 

Siv Jensen (Frp) iyo Trine Skei Grande (V)  xilli ay ku guda jireen dood xisbiyeed ee Arendalsuka galabtii isniinta . cod ururin cusub oo uu sameeyey NRK ayaa soo bandhigtay natiijo xun ee labada xisbi u soo baxday.  Foto: Foto: Håkon Mosvold Larsen ((NTB scanpix))

Labadan xisbi ee dowladda ka tirsan oo arrintan hoos u dhaca kala kulmay.

13.08.19 21:22

Riix halkan Norsk

Waxaa diyaariyey: Heidi Schei Lilleås

Iyo Jørgen Berge

ARENDAL (Nettavisen): ra’yi ururin uu sameeyey NRK bishan Agoosto soona baxday talaadadan ayaa noqotay mid aysan ku farxin guddoomiyaha Frp Siv Jensen iyo guddoomiyaha kale ee Venstre Trine Skei Grande.

Cod ururintan ayuu Frp helay 6,8 boqolkiiba halka Venstre uu helay 2,3 boqolkiiba taasoo ka dhigan hoos u dhac ah 0,4 iyo 0,7 dhibic boqolay marka loo eego tii ka horeysay ee bishii juun.

– Tani waa natiijo hoosaysa, taas shaki kama jiro. Waa inaan kor u soo noqonaa ka hor maalinta doorashada ee 9-ka sitembar ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Frp Terje Søviknes oo u waramayey NRK.

Xisbiyada kale ee soo haray ayaa sidan u kala helay cod ururinta:

·Ap: 27,3 boqolkiiba

·Høyre: 23,0 boqolkiiba

·Sp: 12,2 boqolkiiba

·MDG: 7,0 boqolkiiba

·Frp: 6,8 boqolkiiba

·KrF: 4,3 boqolkiiba

·Rødt: 3,8 boqolkiiba

·FNB: 3,7 boqolkiiba

·Andre: 3,5 boqolkiiba

· Venstre: 2,3 boqolkiiba

Nettavisen oo wax ka wadaydiiyey Skei Grande galabtii isniinta sida ay kor ugu soo qaadi karaan xisbiga doorashada ka hor ayey ku jawaabtay

- Waan jeclahay tartanka doorashada, sidaas darteed waa inaan wax ka dhaadhicinaa codbixiyeyasha.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.