RING: 02060 E-POST: 02060@nettavisen.no
Ønsker du å sende video eller andre dokumenter? Benytt 02060@nettavisen.no
Kontakt oss

Baarlamaanka Norway oo ogolaaday in qofku yeelan karo labo dhalasho


Adoo haysta basaboorka noorweejiga ayey haddana suurto gal tahay inaad yeelato dhalasho labaad.
Foto: Stian Lysberg Solum / NTBscanpix Stian Lysberg Solum (NTB scanpix)
Adoo haysta basaboorka noorweejiga ayey haddana suurto gal tahay inaad yeelato dhalasho labaad. Foto: Stian Lysberg Solum / NTBscanpix Stian Lysberg Solum (NTB scanpix)
Sist oppdatert:
Baarlamaanka ayaa maanta khamiis ah ansixiyey waxka bedel lagu sharci suurto gelinaya in qofku uu haysan karo labo dhalasho.

Riix halkan Norsk

Isha warka: NTB

– Waxaan qabaa inay tahay maalin farxadeed, sharcigan oo jiray tan iyo 1888-dii, waxaa loo bislaaday in dib loo eego, laguna dabaqo waqtigan aan ku nool nahay ayuu yiri xildhibaan Ove Trellevik (H).

Sharcigan uu baarlamaanku wax ka bedelka ku sameeyey maanta ayaa u suurto gelinaya qofka inuu isla haysan karo tusaale ahaan dhalashada Noorweejiga iyo tan Maraykanka.

Trellevik wuxuu qabaa in Noorweeji badan ay rajaynayeen arrintan.

– Waxaa jira noorweeji badan oo dibadda u guuray laakiin xiriir adag la leh dalka oo waalid ama carruur ka joogaan. Markii ay dibadda u baxaan oo dibadda dhalasho ka helaan waxay markiiba lumanayaan dhalashadii noorweejiga ayuu yiri.

Waxay sheegtay dowladdu in haddii qofku uu dambi galo lagala noqon karo dhalashada noorweejiga, taasoo la samayn karo marka uu qofku leeyahay labo dhalasho si aan dadka looga dhigin dal la'aan.

Waxaa arrintan falcelin ka muujiyey ururka garsoorayaasha oo sheegay in ay keenayso in dadka loola dhaqmo si aan sinnayn sharciga hortiisa ama hal baasaboor ha lahaado ama labo’e.

Xisbiyada shaqaalaha iyo Senterpartiet ayaa ka codeeyey in la dhaqangeliyo sharci ogolaanaya in qofku lahaado labo dhalasho, waxayna sabab uga dhigeen inay arrintani hoos u dhigayso dagaalka lagula jiro guurka qasabka ah iyo dhaqdhaqaaqyada carruurta loogu qaado dibadda si halkaas loogu oo koriyo.

Trellevik ayaa arrintan u arka si ka duwan labadan xisbi.

– Way fududahay in la daba galo arrimahan oo kale, waayo waa norweeji. Waxaan xaq u leenahay in aan arrimahaas wadahadal kala yeelano dowladaha dalalka ay ku nool yihin ayuu yiri. 

Mest sett siste uken

Lik Nettavisen her og få flere ferske nyheter og friske meninger!

sterke meninger

Nettavisen vil gjerne vite hva du mener om denne saken, og ønsker en frisk debatt i våre kommentarfelt. Vær saklig og respektfull. Les mer om Nettavisens debattregler her.

Gunnar Stavrum
sjefredaktør

Våre bloggere