RING: 02060 E-POST: 02060@nettavisen.no
Ønsker du å sende video eller andre dokumenter? Benytt 02060@nettavisen.no
Kontakt oss

Booliska Norway oo shaqada ka eryey xubin ka mid ah oo u dhacay...


Askarigan 30 jirka ayaa ku xadgudbay sirta iyo waajibka shaqo ee  saaran. 
Askarigan 30 jirka ayaa ku xadgudbay sirta iyo waajibka shaqo ee  saaran.  Foto: Illustrasjonsfoto: Gorm Kallestad (NTB scanpix)
Booliska qaybta Socdaalka (PU) ayaa shaqada ka eryaya ninkan booliiska ah oo lagu xukumay inuu xog u dhacay

Riix halkan Norsk

Isha warka NTB

Askarigan oo da’da sodomeeyada ah ayaa lagu xukumay 15 maalmood oo xabsi ah kadib markii lagu helay inuu meel uga dhacay waajibaadkiisa shaqo uuna sameeyey 70 baaris xogeed oo uu ku sameeyey diiwaanka booliska iyo kumbiyuutaradooda.

Baaritaanadan qaybo ka mid ah ayuu u adeegsaday inuu sawiro ka qaado shaashadaha kombiyuuradasida ku cadayd xukunka maxkamadeed.

–Golaha shaqaalaysiinta PU ayaa kiiska qiimeeyey soona saaray go’aanka shaqo ka eryidda ayuu yiri Vegard Aamodt oo ah kusimaha waaxda shaqaalaha ee PU oo qoraal email ah u diray wargeyska Nettavisen.

Shaqo ka joojintaan ayaan ahayn go’aankii ugu dambeeyey ee laga qaato, isagoo haddii uu cabasho ka gudbiyo go’aankaan ay mar kale dib u eegayaan qaybta shaqadu, iyadoo ugu dambayn go’aanka loo dirayo agaasinka booliiska (Politidirektoratet).

Abuukataha askariga Eva-Marie Stryker, ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho shaqo joojinta lagu sameeyey mar wargeysku wax ka waydiiyey arrintan. 

Mest sett siste uken

Lik Nettavisen her og få flere ferske nyheter og friske meninger!

sterke meninger

Nettavisen vil gjerne vite hva du mener om denne saken, og ønsker en frisk debatt i våre kommentarfelt. Vær saklig og respektfull. Les mer om Nettavisens debattregler her.

Gunnar Stavrum
sjefredaktør

Våre bloggere