RING: 02060 E-POST: 02060@nettavisen.no
Ønsker du å sende video eller andre dokumenter? Benytt 02060@nettavisen.no
Kontakt oss

Dhinacyada Jemen oo durba ku heshiiyey maxaabiis isdhaafsi


Wasiirka arrimaha dibadda Margot Wallström iyo ergayga Qaramada   ee Yeman Martin Griffith oo shir jaraa'id ku qabtay Stockholm.
Wasiirka arrimaha dibadda Margot Wallström iyo ergayga Qaramada   ee Yeman Martin Griffith oo shir jaraa'id ku qabtay Stockholm. Foto: Foto: Stina Stjernkvist/TT / (NTB scanpix)
Ergeyga qaramada midoobay ee yemen Martin Griffiths ayaa faahfaahiyey qaabka arrintan ay dhinacyadu ugu heshiiyeen.

Riix halkan Norsk

Isha warka: NTB

Kulamada nabadeed ee dhinacyada Yeman uga bilowday saaka oo khamiiis ah dalka Sweden oo ay  uga wada hadlayaan shuruudaha kala duwan ee khilaafkooda ayaa qodobkii ugu horeeyey laysla aqbalay isla maanta kaasoo ah in ay is dhaafsadaan maxaabiista ay kala haystaan.

Dowladda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa wadata shuruud ah in Xuutiyiintu ay isaga baxaan magaala dekedeedka muhiimka ah ee Xudayda.

– Maleeshiyadu waa inay gabi ahaanba isaga baxaan xeebta galbeed una dhaafaan aagga dowladda sharciga ah ee Yeman ayuu bartiisa Twiterka ku qoray wasiirka arrimaha dibadda Yeman Khaled al-Yamani.

Jabhadda Xuutiyiinta ayaa dhankooda ku hanjabay inay joojin doonaan duulimaadyada qaramada midoobay ee ku degga Sanca haddii wadahadalada Sweden ka socda uusan ka soo bixin heshiis dib loogu furayo garoonka diyaaradaha sanca guud ahaan duulimaadyada.

Dagaal Sucuudigu hoggaaminayo oo ka dhan ah Xuutiyiinta laguna taageerayey dowladda madaxweyne Abdi-Rabbu Mansour Hadi ayaa ka dhigtay dalkaas mid go’doon ah, waxaana ka mid ahaa goobaha xirnaa muddo garoonka diyaaradaha Sanca.

Mest sett siste uken

Lik Nettavisen her og få flere ferske nyheter og friske meninger!

sterke meninger

Nettavisen vil gjerne vite hva du mener om denne saken, og ønsker en frisk debatt i våre kommentarfelt. Vær saklig og respektfull. Les mer om Nettavisens debattregler her.

Gunnar Stavrum
sjefredaktør

Våre bloggere