Krone-ka Sweden oo dhulka galay

Cecilie Tvetenstrand oo ka tirsan Dansk Bank.

Cecilie Tvetenstrand oo ka tirsan Dansk Bank. Foto: Foto: Danske Bank/Sturlason

Fursad ugu jirta dadka Norway ku nool dhicista Kroneka Sweden.

Riix halkan Norsk

Waxaa diyaariyey Espen Teigen

Bilowgii sannadka wuxuu 100 krone ee Norweejigu u dhigmay 98 krone-ka Swedhiska ah, hadda bil kadib krone-ka Sweden ayaa hoos aad ugu dhacay halka kan Norway uu qiimihiisu sare kacay.

Marka laysku qiimeeyo maanta wuxuu marayaa 100-ka krone Swedish-ka ah keliya 93 kan Norway ah. Waxayna taasi uga dhigan tahay dadka kasoo adeegta xaduudka labada dal fursad.

Tusaale ahaan qofka Noorweejiga ah ee kaga soo adeegta xaduudka celcelis ahaan 1.900 krone waxaa u baaqanaysa lacag gaaraysa 75 krone markii uu soo adeegtaba. Qofkii ka badan ku adeegtana lacag ka badan ayaa u soo haraysa.

Cecilie Tvetenstrand oo ka tirsan Danske Bank ayaa kula talisay dadka u adeegta Sweden inay marka iska fiiriyaan alaabta ay u baahan yihiin qiimaha ay ka joogaan Norway markaasoo ay go'aansan karaan safarka.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.

Mest lest på Oversatt

Annonsebilag