Ninka ay u dhaxday Erna Solberg oo uu ku dhacay cudurka kanser-ka

 Ra'iisul wasaare Erna Solberg ninka ay u dhaxday Sindre Finnes, oo laga helay kansar. Sawirka waxaa la qaaday sannadkii hore dhammaadkiisii xilli ay ka qaybgaleen bixinta biladda nabadda.

 Ra'iisul wasaare Erna Solberg ninka ay u dhaxday Sindre Finnes, oo laga helay kansar. Sawirka waxaa la qaaday sannadkii hore dhammaadkiisii xilli ay ka qaybgaleen bixinta biladda nabadda. Foto: Terje Pedersen (NTB scanpix)

Erna Solbergs ninka ay u dhaxday ayaa loo sheegay inuu qabo xannuunkan ka hor sannadka cusub

Riix halkan Norsk

Diyaarintii: William Fuglset

Warka naxdinta leh ayaa lagu wargeliyey Sindre Finnes waxyar ka hor xilligii ciidda krismiska sida uu qoray ukebladet cadadkiisii talaadada.

Kadib marka uu maro baaritaano badan, Finnes ayaa lagu wadaa inuu maro qalliin ku saabsan xannuunkan. Waxaa lagu ogaaday xannuunkan inuu qabo kadib markii uu wajigiisa ku arkay dhaawac dhiigaya.

- Erayga kansar waa mid qaaliban dadka cabsi geliya ayey tiri ra’iisul wasaare Erna Solberg oo lagu waraystay barnaamijka Se og Hør ama arag oo maqal.

Erna Solberg iyo Sindre Finnes ayaa isqabay tan iyo sannadkii 1996, waqtigaasoo ay ku heshiiyeen guurka xili ay magaalada Paris u joogeen waxbarasho, waxayna isku dhaleen Ingrid oo 22 jir ah iyo Erik oo 20 sano jir ah.

Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt.

Her kan du enkelt bidra med din mening.

Mest lest på Oversatt

Annonsebilag