Gå til nye Nettavisen

Lyst til å se den nye Nettavisen?

RING: 02060 E-POST: 02060@nettavisen.no
Ønsker du å sende video eller andre dokumenter? Benytt 02060@nettavisen.no
Kontakt oss

Norway: War fiican oo u soo yeeray dadka shaqo doonka ah.

55 000 oo kale oo shaqo helay dabayaqaada sannadka. 
55 000 oo kale oo shaqo helay dabayaqaada sannadka.  Foto: Morten Holm (NTB scanpix)
Ka badan sannadkii kasii horeeyey 55 000 qof oo shaqo la geeyey sannadkii tagay.

Riix halkan Norsk

Diyaariye: Jan Revfem

Waaxda tirakoobka dalkan ee SSB ayaa khamiistaan sii daysay xogta baaris ku aadan qiyaas xilliyeedka lagu qiimeeyo heerka shaqo helka ee dalka, iyadoo oktobar 2018 ay tiradu muujisay inay shaqo la’aan ahaayeen 114 000 qof gudaha Norway, taasoo u dhiganta 4,0 boqolkiiba marka loo eego heerka shaqo la’aanta.

Isla bishaas oktober tirada dadka shaqada haysta guud ahaan dalka ayaa ahayd 2 714 000, kuwaasoo u dhigma 67,8 boqolkiiba shacabka dalka.

SSB waxay kaloo sheegtay in dad badan oo kor u dhaafaya 55000 ay shaqo heleen bilihii dambe taasoo ka dhigan 0,2 boqolkiiba koror u dhigma.

Baaristaan oo lagu eegayey tirada shaqo la’aanta ah ee shacbiyada dalkan ayaa laga qaaday da’da u dhaxaya 15 sano illaa 74 sano jir, waxayna yaraanta shaqo la’aantu war fiican u tahay dadka aan shaqooyinka haysan.

Vil du delta i debatten?
Nettavisen ønsker en åpen og levende debatt. Her kan du enkelt bidra med din mening
(tjeneste under utvikling).

Mest sett siste uken

Lik Nettavisen her og få flere ferske nyheter og friske meninger!